Madaxweyne Xasan Sheekh oo diidey in uu dalka geliyo xaalad macaluul!

Published: September 12, 2022
Xasan Sheekh famine on Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya oo saxaafadda la hadley kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ka hadley xaaladda dalka ee saameynta abaarta iyo gaajada dalka ka jirta.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa duruufaha abaaraha dalka ka jira, muddo arrintaasi waa taagneyd, laakiin maanta deegaanada qaar in abaartii macaluul u gudubto ayey ku socotaa, laakiin waxaan wadnaa dedaal weyn ka hortagno in dalka macaluul ka dilaacdo ayuu yiri Xasan Sheekh Madaxweynaha Jamhuuriyadda.”

Madaxweynaha ayaa sheegaya baaqa ay soo saarayaan uu yahay mid ay ku mideysan yihiin dhamaan Golaha wadatashiga Qaranka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan ka leexad lahayn u sheegay in gaajada ka dhalatey abaaraha iyo xoolaha dhamaadey aysan weli gaarin “Macaluul”, sidaas darteed beesha caalamka laga doonaayo in ay kala shaqeeyaan in la hor istaago macaluusha, laakiin xaaladdu ma gaarin macaluul ayuu yiri.

Hay’adda caalamka ayaa si weyn u doonaayey in Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqo in Soomaaliya ay ka dilaacdey macaluul (Famine) si lamid ah sanadihii 2010-2011, markaas oo xeryo waaweyn loo sameeyey dadkii baahnaa halkaasna lagu quudin jirey.

Hay’addaha ayaa dalbadey adduun dhan 1 bilyan oo dollar oo cunto, hu’ iyo daawo loo siiyo 7 milyan oo Soomaali ah, dhaqaalahaas ayaa badankiis ku baxaa intaan dalka la soo gaarin, sidoo kale waxaa dhaqaale fara badan ka soo galaa al-Shabaab oo heshiis lagula galo in dhulka ay haystaan mucaawanooyin la geeyo.

Haddii Madaxweynuhu ku dhawaaqi lahaa macaluusha waxaa gebi ahaanba istaagi lahaa barnaamijyada hormarineed, ee dalka, waxana loo jeesan lahaa keliya la dagaalanka macaluusha.

Waxaa dhawaan la soo direy madaxa u sareeya hawlaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobey Martin Giriffiths si uu Madaxweyne Xasan sheekh ugu qanciyo ku dhawaaqidda macaluusha.

Halkudhigaa hay’adaha gargaarka ayaa ah, Macaluushii waxay taagan tahay albaabka Soomaaliya, laakiin dadka Soomaaliyeed ayaa rabbi ka rajeynaya roob in uu siiyo , webiyaduna soo burqadaan, si dhibaatada looga baxo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *