Magacaabistan ayaa imaanaysa iyada oo ay lix bilood ka dhiman tahay xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh qabsadey in uu doorasho dadweyne ka qabanaayo magaalooyinka dalka
Wareegto ka soo baxdey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna maayorka magaalada Muqdisho waxaana loo magacaabay Maxamed Axmed Amiir, wareegtada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha cusub uu ka soo shaqeeyey arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.
Isla wareegtada madaxweynaha ayuu amray guddoomiyaha cusub ee gobolka ahna duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.
Magacaabistan cusub ayaa timid iyada oo lixbilood ka dhiman tahay mudadii Madaxweyne Xasan ballan qaadey in uu qabanaayo doorashooyinka degmooyinka, waxaana la is weydiinayaa ujeedada cusub ee magacaabista iyo isda ay Dowladda uga go’an tahay in ay doorasho qof iyo cod ah qabato haddii ay weli magacaabis samayneyso.
Magaalada Muqdisho oo ka soo kabanaysa colaadii dabada deerayd ayaa ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dadku aysan soo dooran maamulkeeda, si lamid ah Hargaysa iyo Garoowe.
HORSEED MEDIA