Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Adis Aababa iyada oo muranka Baddu weli taagan yahay

Published: February 16, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degey xarunta dalka Itoobiya ee Adis Ababa halkaas oo uu uga qaybgelaayo shirka Midowga Afrika iyo weliba shir kale oo IGAD ah.

Shirka 37aad ee dalalka Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Adis Ababa ayaa socon doono muddo laba maalmood ah 17-18 febraayo 2024, Waxaana looga hadlayaa waxbarashada iyo xirfadaha dhaliyarada qaaradda Afrika.

Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha AUC, ayaa soo jeediyay in waxbarashadu noqoto mawduuca AU ee sanadka 2024, soo jeedin si weyn loo taageeray.

Qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka hadli doono xadgudubka Itoobiya ee badda Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha Adis Ababa ku soo dhaweyey wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shide.