Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya

Published: July 17, 2022
Safarka Xasan Sheekh ee Nayroobi

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabanaya, waxaana la filayaa in isla maanta gelinka dambe uu tago Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa dalkaas, isaga oo uga xog warramay xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal gaar ahaan xoojinta Amniga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in booqashooyinka uu Madaxweynaha ku tagayo dalalka Gobolka ay billow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Soomaaliya ee dalalkaas, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *