Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wafdi ka socda Maraykanka

Published: June 13, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry André.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire Victoria Nuland oo ugu horreyn madaxweynaha ugu hambalyeeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *