Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey Amiirka dalka Qatar

Published: January 23, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaani Labada dhinac ayaa ka wada hadleey xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya uu yahay mid xooggan waxaana uu uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee wax u dhiaaya madaxbanaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo sheegay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.