Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay dhiggiisa Kenya

Published: May 18, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Horseed Media