Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyey billada ugu sareysa Jabuuti

Published: July 17, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *