Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya

Published: July 10, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho qaadan doonto 4 cisho uga bilaabatay dalka Ereteriya ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan la yeesho dhiggiisa saias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa ka wada-hadli doono xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira gobolka.

Sidoo kale madaxweynayaasha ayaa kulankooda diiradda ku saari doono ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga wadanka Ereteriya, waana ujeedada ugu weyn ee uu booqashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haatan ku joogo gudaha dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safaro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *