Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta safarkiisii afaraad ku tagaya dalka Kenya

Published: July 14, 2022
Safarka Xasan Sheekh ee Nayroobi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa Maanta oo khamiis ah ku wajahan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku joogi doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah kii afaraad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu baxo dalka dibadiisa tan iyo markii la doortay 15-kii bishii May.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *