Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyahiisa arimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada

Published: September 4, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) u magacaabay in uu noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Qoraal lagu baahiyey barta Facebookga ee Madaxtooyadda ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo xulay Lataliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyey in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka Federaaleynta dalka, kuwaas oo mudnaan gaar ah uu siinayo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaallda. 

Qoon ayaa horey u ahaan jirey Xildhibaan, waxaana uu ka soo galay Baarlamaanka magaalada Beledweyne..

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *