Madaxweyne Xasan Sheekh oo qabsadey muddo 5 bilood ah dagaalka al-Shabaab

Published: August 18, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladiisu ay tahay in muddo 5 bilood ah gudahood al-Shabaab dalka looga saaro.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay dadweynaha ku sugan Dhuusamareeb su’aalo ku weydiiyeen Madaxweynaha oo habeenkii Jimacadu soo galaysey lagu qabtay isla magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaarisay qorshe cad oo ay dooneyso inay ku guuleysato shanta bil ee soo socota, kaas oo u qaybsan saddex weji.

Waxa uu sheegay in dowladda ay Al-Shabaab cirib-tiri doonto ama ay baaqi kusii ahaan doonaan kaliya meelo yar yar oo aysan wax dhibaato ah ka gaysan karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa istaraatijyadda qorshihiisa ku daray in dowladda ay sidoo kale wax ka beddeshay xeeladihii hore ee diiradda lagu saarayey qabsashada magaalooyinka iyo xaafadaha, ayna hadda u weecatay in maleeshiyada laga xorreeyo baadiyaha, si aysan u helin fursado ay ciidanka dowladda gadaal kaga soo weeraraan, “qofku marka uu qolka soo xaaqayo waxa uu qaataa xaaqin kadib meelna qashinka ugama tago, sidaas oo kale ayaan u xaaqeynaa” ayuu yiri.

Tiarada ciidanka al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa si weyn la isugu khilaafsan yahay, waxaase dadka baaritaanada ku sameeyey ay sheegayaan in al-Shabaab ay lee yihiin ciidamo u dhexeeya 10 ilaa 15 kun oo malayshiyaad ah.

Dhibaatooyinka ugu weyn ee dagaalkan ka dhalan kara ayaa ah in al-Shabaab u baxsasdaan goobo kale oo cusub oo nabdoonaa, halkaasna ay khatar weyn ka geystaan.

Horseed Media