Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo

Published: March 21, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciyo gaaraya ilaa sideed kuwaas oo ay asoo nsixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharciyadan ayaa kala ah; sharciga La-dagaallanka Argagixisada, Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Sharciga Socdaalka, Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha, Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis, Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha, Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.