Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inaysan aqbalin doonin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya

Published: September 18, 2022
Shares16

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin horumarka dalka, waxa uuna ka rajeeyey in ay xoojiyaan maalgashiga dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay tilmaamay in diblumaasiyadda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso hagaajinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay caalamka, si aan iskaashi buuxa ugu helno duruufaha dib dhigay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa soo hadal qaaday arinta Somaliland, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inaysan marnaba aqbalin doonin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya.

“Annaga gooni isku taag nooc walba oo uu noqdo ma aqbaleyno, qaab kasta oo uu ku yimaado haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, si cad ayaan u sheegeynaa ma ogolaan doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa intaas sii raaciyey “Anaga ma qarineyno, walaalaheen ma ogolin gooni isku taag, midnimo ayaa na deeqda, waxaan diyaar u nahay wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somailand ay u ogol yihiin in iyaga xitaa ay soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska, balse wuxuu ugu baaqay inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceyso midnimada Soomaaliya.

Horseed Media