Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyey Baydhabo

Published: May 31, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ee gaaray Baydhabo ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xubno katirsan labada Golle ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada XFS, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Laftagareen iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Maamulkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefdigiisa ayaa loo galbiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyadoo lagu wado isla maanta isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay si wada jir ah xariga uga jaraan Villa KG oo ah dhismo Cusub oo lagu soo kordhiyay Madaxtooyada  Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku suganyahay Baydhabo waxa uu u kuurgeli doona xaaladda abaarta ka jirta Deegaannada DG Koofur Galbeed maadaama safarkiisa uu ku wehlinayo Ergayga u qaabilsan arrimaha gargaarka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kii ugu horreeyay uu uga ambabaxo Caasimadda tan iyo dib u doorashadiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *