Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn u soo dhaweeyey qaadista xanibaada hubka

Published: December 2, 2023

Kadib markii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay u codeeyeen in Soomaaliya laga qaado xanibaada hubka ee daarneyd 31 sano ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ugu bishaareynayaa dadkayga Soomaaliyeed in maanta la inkaa qaadey dhamaan xayiraadii hubka ee saarneyd dalkeena, maanta waxaan soo iibsan karnaa hubka nooca aan rabno, dalalka aan saaxiibka nahay waxay inaku taageeri karaan hubka casriga ah ee aan u baahanahay si aan u sugno amnigeena ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay in ay xakameyso in hubku galo gacan khatar ah, “waana maareyn karnaa” waxaan sameyney shuruucdii loo baahnaa in lagu xakameeyo hubku inaanu dalka isaga soo qulqulin ayuu yiri.

Qaadista xayiraada hubka ayaa ah mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee dowladda Xasan Sheekh gaartey.

Horseed Media