Madaxweyne Xasan Sheekh oo xulka Galmudug guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada oo ay ku guuleysteen

Published: February 6, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa caawa munaasabadd kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa uu xulka Gamudug ku guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey tartankii xiisaha lahaa dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ciyaarahu soo bandhiggeen nabada iyo xasiloonida ka jira caasimada, iyada oo bulshadduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, iyada oo laga dheehan karay sida ay u soo buux dhaafiyeen garoonka tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu. Madaxweynaha ayaa waxaana uu sheegay inay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun horumarka Soomaaliya ay samaysay.