Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaaray magaalada Baydhabo

Published: March 15, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran. 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.

Horseed Media