Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay C/raxmaan C/shakuur

Published: May 24, 2022

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil u magacaabay, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa musharaxiintii Madaxweyanah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu si mutadawacnimo ah uu qaban doono shaqadaan, maadaama uu yahay xildhibaan qaran.

Sidoo kale Eebe uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday ee ah u gar gaarida dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Madaxweynaha cusub oo shaley xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa xhaley illaa xaley magacaabay Agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa iyo la-taliyihiisa amniga qaranka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *