Madaxweyne Xasan Shekh oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed

Published: February 3, 2023
Shares28

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa maanta mar kale gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa ah ka qeyb galka Dhamaystirka Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Madaxweynaha.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gollaha Shacabka BFS Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa.

Horseed Media