Madaxweyne Xasan Shiikh: “Cadowgeenu waa labo,waa Shabaab iyo Itoobiya”

Published: January 12, 2024

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha uu jeediyay ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yihiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya,

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed Dr. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray dhamaan qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa uuna ka codsaday in dowladooda ay ka taageeraan Cadawga oo ay ka mid tahay Itoobiya “ Markey Soomaaliya Qatar gasho adinkaa bad-baadin jiray, Maanta waa maalintiiini waa maalintii la idiin baxsan jiray”

Madaxweyne Xasan Sheekh ” Cadow waa labo,waana Shabaab iyo Itoobiya,waan awoodnaa dowladd iyo shacab Shababkana waan iska celinayna duulaanka dibaddana waan iska celinayna intaba waan isaga filanahay”.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray hadalkiisa in aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo qaranimada Soomaaliya.

Horseed Media