Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa dalka Aljeeriya

Published: September 9, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.

Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal.

Horseed Media