Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Dib Ugu Laabtay Dhuusamareeb Iyo Hawgalkii Xoraynta Dalka

Published: October 20, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka sii ambaqaadi doona dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka ee la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Horseed Media