Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Qaybgalay Xuska Sanad-guuradii 80-aad Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Published: December 20, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad loogu dabaaldagayay sanad-guuradii 80-aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hambaliyo u diray ciidamada Booliska.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay ciidamada booliska ugu jiraan xaqiijinta amniga dalka, inkastoo ay jiraan duruufo ku xeeran.

“80-kii Sano ooBooliska jiray, madax kala duwan ayaa dalka soo maray, dhamaan saraakiisha Booliska ee ka soo shaqeeyay amniga dalka 80-kaas Sano waxa ay mudanyihiin amaan”. ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guulaha amni ee la gaaray sanadihii la soo dhaafay ay suurta galiyeen Ciidamada geesiyaasha ahaa ee naftooda & dhiigooda u huray sugida amnigeena

Horseed Media