Madaxweyne Xasan Shiikh oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

Published: March 2, 2024

Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga uga qeyb galaya shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha.

Horseed Media