Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay La Wadaagay xadgudubka Itoobiya

Published: January 10, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey mudane António Guterres.

Labada masuul ayaa kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Horseed Media