Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar ugu baxaya Boqortooyada Sucuudi al-Caraabiya

Published: September 6, 2022
Shares12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisi Sagaalaad tan iyo markii la doortey ugu baxaaya Boqortooyada Sucuudi Caraabiya, ka hor dhamaadka todobaadkan, kadib markii uu casumaad ka helay Sucuudiga.

Safarka Madaxweynaha ayaa daaran xoojinta iskaashiga labada dal, iyo sidii Sucuudigu gacan uga geysan lahaa xaaladda bini’aadanimo ee haatan dalka ka jirta. Hay’adaha caalamiga ah ayaa ku cadaadinaaya Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ku dhawaaqo in dalka ay ka dilaacdey macaluul, taas oo keenaysa in muddo sanad ah lagu shaqeeyo qaybinta, daawada iyo hu’ga oo keliya.

Wararka Horseed media heleyso ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonaayo in dalalka hodanka ah ee carabtu ay door wanaagsan ka qaataan arrimhan ka hor inta aysan hawshu faraha ka bixin, si looga maarmo ku dhawaaqidda macaluusha, taas oo hay’aduhu digniintii u danbeysey ka soo saareen.

Safarka Madaxweye Xasan Sheekh ee Sucuudiga oo qorsheysnaa bishii Agoosto ee la soo dhaafey ayaa dib u dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *