Madaxweynihii hore Bush oo u hambalyeeyay Biden

Published: November 9, 2020

Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa kamid noqday hogaamiyayaasha faro ku tiriska ah ee Jamhuuriga ee soo dhaweeyey guusha Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

George W Bush ayaa ku tilmaamay Biden nin wanaagsan oo mideyn kara shacabka Maraykanka oo xiligan khilaaf weyn ka dhex taagan yahay.

Donald Trump, Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ayaa weli diidan inuu ogolaado guusha Biden, isagoo ku doodaya in asbuucan uu bilaabi doono dacwado maxkamadeed oo la xariirta musuq maasuq uu sheegay in lagu sameeyey tirinta cododka, walow uusan illaa iyo hada wax cadeyn ah soo bandhigin.

Waxaa sidoo kale jira 2 Senator oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo u hambalyeeyay Biden, kuwaasi oo kala ah Senator Mitt Romney oo laga soo doorto gobalka Utah iyo Sanetor Lisa Murkowski oo kasoo jeeda gobalka Alaska.

Inta badan siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Jamhuuriga ayaa si weyn uga gaabsaday inay ka hadlaan guusha Biden iyo guuldarada Trump.

Sharciga Maraykanka ayaa qoraya in Maamul Gobaleedyada ay yihiin kuwa sida rasmiga ah ugu dhawaaqi doona natiijada doorashada, kadib markaas ayey cidii dacwo ka qabta codsigooda u gudbin karaan maxkamadaha.

Madaxweynaha cusub ayaa sharciga qeexayaa in la dhaarinayo 20ka bisha Janaayo ee sanadka cusub 2021, iyadoo aan wax ogolaansho ah la weydiineyn Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *