Madaxweynihii Hore ee Bakistan oo Dil Lagu Xukumay

Published: December 17, 2019

General Perves Musharaf oo ahaa madaxweynihii hore ee wadanka Bakistaan ayaa Maxkamad gaar ahi ku heshay inuu galay dambi weyn oo khiyaamo qaran, waxayna ku xukuntay Dil toogasho.

Musharaf oo inqilaab milateri ku qabsaday xukunka Baakistaan 1999kii ayaa loo haystaa go’aankii 2007 uu ku hakiyay dastuurka, islamarkaana uu xaalad degdeg uu ku soo rogay wadankaasi, waxaa kaloo loo haysta dacwado kale oo la xiriira xiligiii uu kunka hayay

Madaxweynihii hore oo haatan da’diisa tahay 76 jir ayaan joogin markii maxkamadu xukunka ku ridaysayay, waxaan uu ku nool magaalooyinka Dubai iyo London.

Musharaf ayaa xilka ka degay Sanadkii 2008 markii guuldaro weyni ay soo gaartay xulufadii siyaasadda kadib dilkii Ra’isul wasaarihii hore ee Baakistaan Benazir Bhutto.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *