Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicholas Sarkozy ayaa Isniinta maxkamad la soo taagayaa isaga oo lagu eedeyay in uu ka aqbalay lacag dhan 50 milyan oo Yuuro hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo uu ololaha doorashada ku galay.
Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy, oo horey loogu xukumay labo jeer kiisas kala duwan tan iyo markii uu xafiiska ka tagay, ayaa Isniinta maxkamad lagu soo taagayaa dacwad ah in uu qaatay lacag olole sharci darro ah oo la sheegay in uu heshiis la galay kaligii-taliyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.
Sarkozy waxaa hadheeyay dhibaatooyin xagga sharciga ah tan iyo markii uu ku guuldarreystay doorashadii madaxtinimada ee 2012-kii. Laakiin waxa uu weli yahay shakhsi saamayn ku leh siyaasada dalkaas.
Maxkamadeyntan ugu dambeysa ayaa ah natiijada toban sano oo baaritaanno ah oo lagu eedeynayay in Sarkozy uu aqbalay maalgelinta ololaha sharci darrada ah – oo lagu soo waramayo in 50 milyan oo Yuuro – uu ka helay Qadaafi si uu ugu caawiyo ololihii doorashada ee 2007-dii ee uu ku guuleystay.
Taas beddelkeeda, waxaa lagu eedeeyay, Sarkozy iyo madax sare ay ballan qaadeen in ay ka caawin doonaan Qadaafi dib u habeynta xiriirkiisa reer galbeedka.
Sarkozy ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyay oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shirqool ka dhan ah isaga, isagoo ku adkeystay inuusan waligiis wax dhaqaale ah ka helin Qadaafi, isla markaana aysan jirin wax cadeyn ah.
Horseed Media