Madaxweynihii hore ee Honduras oo xabsiga la dhigay

Published: February 16, 2022

Madaxwaynihii hore ee Honduras Juan Orlando Hernandez, kaasi oo ay dowlada Mareykanka codsatay in loo soo gacan-geliyo isaga oo lagu eedeeyay in uu xidhiidh la lahaa dadka daroogada ka ganacsada, ayaa Talaadadii isku soo dhiibay booliiska ka dib markii maxkamada Honduras amaryay in lasoo xidho hogaamiyahaas.

Talaadadii shalay, ayey maxkamadda sare ee dalkaasi ay kiiskan u xilsaartay garsoore magaciisa loo qariyay sababo amni, inuu eego codsiga ka yimid dowlada Mareykanka.

Garsooraha ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo Hernandez, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maxkamadda Melvin Duarte.

Hernandez ayaa isagu sheegay inuu la shaqayn doono masuuliyiinta garsoorka dalkaasi, isaga oo fariin cod ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu u hogaansamo maxkamada si iskiis ah isu soo dhiibo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *