Jimmy Carter waxa uu hal xilli uun ka soo shaqeeyay Aqalka Cad, balse waxa uu noqday mid ka mid ah madaxweynayaashii hore ee ugu firfircoonaa taariikhda Maraykanka.
Hogaamiyayaasha caalamka iyo siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ka falceliyay geerida madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ahaa madaxweynihii heshiiska nabad dhex dhigay Israa’iil iyo Masar, kadibna ku qaatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, oo uu ku muteystay howlihiisa bani’aadanimo.
Sanadihii lasoo dhaafay Carter oo u ololeen jiray arrimaha bani’aadanimada ayaa si weyn u dhaliiceen jiray maamul Israel iyo falalka ay kula kacaan shacabka Falastiin.
Wuxuu dhintay Axadii, isagoo 100 jir ah, sida ay ku dhawaaqday Xarunta Carter.
Wuxuu galay isbitaalka daryeelka bishii Febraayo 2023. Madaxweynihii hore ayaa sanadkii 2015 laga helay cudurka kansarka. Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu cimriga dheeraa ee Maraykanka.
Horseed Media