Alle ha u naxariistee waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Axmed…
Alle ha u naxariistee waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.
Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe xaaladiisa caafimaad kasoo daraysay lagula tacaalayey magaalada Hargeysa.
Axmed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ku dhashay Burco sanadkii 1938 waxaana fa’diisu ahayd hadda 86 sano jir.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa ruug cadaa siyaasadeed. Dowalddii hore ee Soomaaliya ayuu ka soo qabtey xilal kala duwan sida Wasiirkii Qorshenta, Wasiirkii Ganacsigaka, Guddoomiyihii Guddiga Dhaqaalaha Qaranka. kadib makii u ka horyimid owladdii acaanka waxa uu kamid ahaa asaasayaashii jamhaddii SNM isaga oo noqdey guddoomiyihii ugu mudada dheeraa ee jamhadda soo mara waxaana uu hoggaamiyey 1984 ilaa 1990.
Somaliland ayuu ka soo qabtey xilal kal duwan, waxaana uu noqdey Wasiirkii maaliyadda ee Dowladdii Maxamed Ibraahim Cigaal 1997-1999.
Sanadkii 2001 ayuu asaasey xibiga Kulmiye kaas oo noqdey Xisbigii ugu mudada dheeraa ee talada ee ka taliya Somaliland muddo 14 sano ah.
Horseed Media