Bashar Asad, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan qoyskiisa, ayaa ka degay Moscow kadib markii xukunka laga tuuray
Madaxweynaha Suuriya ayaa magangelyo ka helay Ruushka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan Kremlin-ka.
Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa magangelyo ka helay dalka Ruushka, wuxuuna hadda ku sugan yahay magaalada Moscow isaga iyo qoyskiisa, sida ay ku warantey wakaaladaha wararka Ruushka ee RIA Novosti iyo TASS gelinkii danbe ee Axadda, iyagoo soo xiganaya ilo-wareedka Kremlin-ka.
“Asad, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan qoyskiisa, ayaa yimid Moscow. Ruushku waxa uu magangelyo ku siiyay sababo bini’aadantinimo,” ilo ayaa u sheegay TASS.
Warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xoogaga mucaaradka Suuriya ay la wareegeen gacan ku haynta Dimishiq, iyagoo si hufan u soo afjaray xukunka Bashaar Al-Asad oo 24 sano jirsaday.
Qabsashada degdegga ah ee caasimadda Suuriya waxay muujinaysaa soo afjaridda weerarradii balarhnaa ee ay qaadday Hayat Tahrir al-Sham (HTS). Xoogaga mucaaradka waxay hore uga saareen ciidamada Suuriya magaalooyinka Xalab, Xama, Homs, iyo Al-Qusayr ee xuduudka Lubnaan ka hor intii aanay u gudbin magaalada Dimishiq.
Moscow ayaa ku baaqday in dib loo bilaabo wada xaajoodyada ay Qaramada Midoobay hormuudka ka tahay si loo xalliyo dhibaatada Suuriya, TASS ayaa sidaas qortey.
Hogaamiyaasha mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa xaqiijiyay badbaadada xarumaha militariga Ruushka iyo ergada diblumaasiyadeed ee ka howlgala Suuriya, sida ay sheegeen saraakiisha Kremlin-ka sida ay soo xigatay RIA. Ruushka ayaa duqeyn ba’an u geystey xoogaga mucaaradka.