Madoobe: Ka Tashiga Danta Guud ee Soomaaliya ayan Bosaso u imid-DAAWO

Published: January 16, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta booqasho ku tagay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu uu la xiriiro sidii tallo looga yeelan lahaa arrimaha guud ee Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani ayaa booqashada Axmed Madoobe ku tilmaamay mid weyn oo taariikhi ah oo cadayn u ah iskaashiga iyo Xiriirka wanaagsan ee labada dhinac ka dhexeeya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada shaqaynayaan ilaalinta iyo dhaqangalinta hanaanka Federaalka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Madaxweyne Dani wuxuu sheegay in Jubbaland lagu yaqaano Sida ay uga shaqayso Midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay dagaalka adag ee lagula jiro Argagixisada taas ayuuna sheegay inay tahay wax weyn loo in lasii joogteeyo u bahaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in mudo dheer kadib ay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado Boosaaso oo ka badalan sidii uu ku yaqaanay waxaa uu sheegay in ay hormar la taaban karo samaysay Magaaladu.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada shaqayn doonan sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka labada dhinac ee iskaashiga ku dhisan iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahayeen hormarka dalka gaar ahaan Arimaha nabadgalyada iyo Federaalka oo ay tahay in lasii xoojiyo sida uu Madaxweynahu sheegay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *