Magaalada Bosaso oo laga xusay maalinta haweenka adduunka-Sawiro

Published: March 8, 2017

Magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaalaya ayaa laga xusay maalinta haweenka adduunka oo maanta ku beegan, iyadoo munaasabad loogu dabaal degayey maalintaasi lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee magaalada.

Waxaa ka soo qeyb galay xafladaasi, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Bosaso, nabadoono, siyaasiyiin, culimo’udiin, ururada haweenka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, madax ka socotay hay’adda Care, dhalinyaro, abwaano, waalidiin iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Waxaa munaasabadda soo qaban-qaabisay oo fulinaysay hay’adda Care oo kaashanaysa urur weynaha haweenka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaso, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixiyey UNHCR iyo USAID.

Hal ku dhiga xafladda ayaa ahayd Haweenka waa halbowlaha hormarka Qaranka.

Gabayo iyo buraanbur ka turjumayey qiimaha haweenka ay ku leeyihiin bulshada ayaa laga soo jeediyey xafladda, iyadoo dhammaan dadkii ka soo qeyb galay ay ku lebisnaayen dareesyo ay ku qornaayeen erayo muujinaya haweenka qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiin.

Munaasabadda ayaa laba qeybood isugu jirtay oo kala ah xuska maalinta haweenka iyo Alle bari iyo duca loo dirayey dadka ay abaarta saameysay ee ku nool Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Khadro Siciid Maxamad Dhuungeli oo ah gudoomiyaha haweenka degmada Bosaso oo xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka ay yihiin udub dhexaadka bulshada iyadoo, Alle uga berisay dadka ay abaarta saameysay in uu barwaaqo ugu bedelo.

Sheekh Cabdiraaq Xuseen Ciise oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa goobta ka sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah kaga jiraan bulshada quraanka iyo na lagu sheegay.

Faadumo Nuur Axmad oo ah gudoomiye ku xigeenka haweenka ee gobolka Bari ayaa sheegtay in 8-da Maarso ay tahay maalin ku weyn haweenka adduunka.

Xafladda ayaa ku soo dhammaatay jawi degan

Horrseecd Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *