Caasimadda Puntland oo laga daah-furay Bandhigga Shaqada oo ay ka faa’ideysan doonaan dhallinyarada

Published: October 5, 2022
Shares4

Waxaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka furmey bandhigga shaqada oo ay ka qaybgaleen shirkado badan, si ay fursado u siiyaan dhaliyarada shaqa-doonka ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furitaankii maanta ka qayb-galay Carwada shaqada oo Garoowe taas oo socon doona muddo laba maalmood ah isla markaasina ay ka faa’ideysan doonaan shaqadoonka iyo shaqo bixiyaasha.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay madashan oo fursad u siineysa dhalinyarada maadaama la isku xirayo dadka shaqo doonka ah iyo shirkadaha shaqada bixiya, waxaa jirta dhalinyaro badan oo maanta fursad u helay in CV u gudbistaan ugu yaraan 25 shirkadood oo ka soo qayb-galay carwada.

Madaxweynaha Puntland oo furitaanka carwada shaqada khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dowladiisu ay muhimad weyn siisey dhalinyarada, isla amrkaana kuwa ugu badan ee shaqada la siiyey afartiis ano ee u danbeysey ay ahaayeen dhalinyaro.

Horseed Media