Magaalada Garowe oo maanta si rasmi ah looga daahfurey Diiwaangelinta codbixiyayaasha

Published: March 2, 2023

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland oo ahayd Degmada kaliya ee ay ka ku harsaneyd Gobolka Nugaal Diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa maanta si rasmi ah looga daahfurey Diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo dhamaystirka Diiwaangelinta Gobolka Nugaal.

Daahfurka Diiwaangelinta codbixiyayaasha Garowe waxaa ka qaybgalay Goleyaasha kala duwan ee XUkuumadda Puntland, Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo xubnaha kale ee guddiga, Odayaasha dhaqanka, cuqaasha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo khudbad kajeediyay madasha daahfurka ayaa Dadweynaha Magaalada Garowe ugu baaqay in ay Isdiiwan-geliyaan, kuna dadaalan ka shaqaynta amniga Caasimadda iyo gacan siinta kooxaha Diiwaangelinta ee ka socda Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.

Waxgaradkii kala duwanaa ee madasha daahfurka ka hadlay ayaa isku si u soo dhaweeyey Barnaamijka Diiwaangelinta codbixiyayaasha guud ahaan Puntland gaar ahaan caasimada Puntland ee Garowe.

Horseed Media