Magaalada Muqdisho oo tababar loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka

Published: August 7, 2018

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay xafladda ay ku qalin jabinayeen cutubyo ka Tirsan Ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jiray leyli sargaal iyo leyli saraakiil xiggeen, kuwaasi oo isugu jiray kuwa cirka, dhulka, iyo badda .

Ciidamaddan tababarka loo soo xiray waxaa ay muddo 12 bilood ah tababar ku qaadanayeen dugisga tababarka ee Turksom ee ku yaalla Deegaanka Jaziira.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ee ay dowladda Turkigu Ugarab Istaagantahay Ciidamadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dawladda Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kalena umahad-celiyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay in dhalinyaradda qalin jabisay xeradan ciidanka ee Turksom.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal ayaa kula dar-daarmay saraakiishii iSaraakiil xigeenadda dhammeystay tababarka in ay u istaagaan difaaca iyo ilaalinta garab istaagga Qaranimada Soomaaliyeed.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *