Mahdi Guuleed Oo Guddoomiyey Shirka Dhaqaalaha Iyo Deyn Cafinta Soomaaliya

Published: August 30, 2020

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay xanuunka COVID19.

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *