Mahdi: ” Waxa aan aad ula yaabay qoraalka murashaxiinta madaxweynaha”

Published: November 10, 2020

Raysal Wasaare ku-xigeenka dowlada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa ka hadlay war-saxaafadeed ay soo saareen musharaxiinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay uga soo horjeedan magacaabista guddigyada doorashooyinka.

Qoraal uu bartiisa Internert-ka kusoo daabacay Mahdi Guuleed ayuu ku sheegay in musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ku tahay kalsooni-darro, quus iyo niyad-jab qoraalka ay kaga hadleen guddiga la magacaabay.

“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab. Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya”

Mahdi Maxamed Guuleed

Musharaxiinta qoraalka soo saaray ayaa waxaa kamid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo musharaxiin kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *