Majaajilayste Sooraan Oo Geeriyooday Iyo Madaxda Soomaalida Oo Ka Tacsiyeeysay

Published: May 26, 2021

Waxaa galabta magaalada Burco ku geeriyooday Majaajilaystihii caanka ahaa ee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo siweyn loo yaqaanay deegaanada Soomaalida, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qoyskiisa.

Abwaan Sooraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.

Geerida majaajileeyaha ayaa si aad ah looga dareemay geyiga Soomaalida, waxaana dadka ka tacsiyeeyey ku jira madaxda Soomaalida sida madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble iyo masuuliyiin kale.

Abwaan Sooraan ayaa waxaa uu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen, waxaana la xaqiijiyay inuu u geeriyooday Cudurka halista ah ee COVID-19 oo maalmihii lasoo dhaafay uu la xanuunsanayay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *