Makhaayado xiriir la leh Mareykanka oo lagu weeraray Baqdaad, Ciraaq

Published: June 4, 2024

Daraasiin rag ah ayaa weeraray laba maqaaxi oo ku yaal Baqdaad Isniintii oo ay ku jirto makhaayada KFC, xili ay sii kordhayaan baaqyada lagu cunaqabateenayo shirkaddaha xiriirka laleh Mareykanka iyo Israel.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambeysay ee weeraro xiriir ah oo lagu bartilmaameedsanayo summadaha xiriirka la leh reer galbeedka ee Ciraaq oo billowday todobaadkii hore.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas cirka u ridayay si ay kooxda u kala eryaan ka hor inta aysan xirin ugu yaraan laba qof.

Weerarka ayaa sababay khasaare maaliyadeed balse ma jiro wax dhaawac ah, sida ay sheegeen ilo amni.

Wax yar ka hor weerarkii isniinta, kooxda awooda badan ee Ciraaq ee taageerta Iran (Kataeb Hezbollah) ayaa ku baaqay “in dalka laga saaro” waxa ay ugu yeereen “basaasiinta” xiriirka la leh “Gumeystayaasha Mareykanka & Israel”.

Horseed Media