Malayshiyaadka al-Shabaab oo khasaare u geystey ciidanka dowladda kadib weerar gaadmo ah

Published: March 23, 2024
Shares4

Dagaal culus ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhacay deegaanka Busleey oo ku dhaw Dhanaane gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliyed.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo oo ay soo qaadeen malayshiyaadka al-Shabaab waxana ay la beegsadeen ciidamo isku jir ah oo ku sugnaa halka la yiraahdo Busleey oo ku aadan xeebta Jazeera ee koonfurta Muqdisho.

Goobta la weeraray waxaa ku sugnaa ciidamadda Haramcad, Duufaan iyo Boolis-militeri oo maalmahan ka waday guluf ka dhan ah Shabaab.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada ku sugnaa goobta la weeraray uu gaarey khasaare ba’an dhimasho iyo dhaawac leh, wararku waxya intaas ku darayaan in kooxdii soo weerartey ay saldhigga qabsatey kadibna dab qabadsiiyeen, waxaana ay horey u kaxaysteen gaadiid dagaal.

Saraakiisha dagaalka lagu diley ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in uu ka mid yahay taliyihii ciidanka Booliska u tababaran sida Mileteriga Liibaan Golcad.

War ka soo baxay kooxda argagsixisada al-Shabaab ayey ku sheegteen in ay dileen 57 askeri, waxaana ay sheegteen in ay qaar kale maxaabiis ahaan u kaxaysteen.

Horseed Media