Malaysia iyo Kuuriyada Waqooyi oo xayiraado is dul dhigay! – VIDEO

Published: March 7, 2017

Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo ka careysan baaritaanka ka socda wadanka Malaysia ee dilkii Kim Jong Nam oo la dhashay hogaamiyaha dalkooda ayaa soo saaray amar ah muwaadiniinta u dhashay Malaysia ee ku sugan Pyongyang inaysan halkaasi ka bixi karin.

Go`aanka kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa si adag uga jawaabtay xukuumada Malaysia oo sheegtay inay tilaabadan u aragto in Kuuriyada Waqooyi xalaalsatay inay afduubato dadka u dhashay Malaysia ee dalkeeda ku sugan. Muwaadiniinta reer Malaysia ee ku sugan Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inay gaarayaan 11 qof oo isugu jira Shaqaalaha Safaaradooda, saraakiil u shaqeysa xafiiska UNta iyo Qoysaskooda.

Raysalwasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa isaguna sheegay in xayiraad tan lamid ah dul dhigeen Muwaadiniinta Kuuriyada Waqooyi ee ku sugan Malaysia inaysan wadanka ka bixi karin.

Xukuumada Malaysia ayaa dooneysa in loo soo gacan gesho 3 nin oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilkii Kim Jong Nam kuwaasi oo la sheegay inay ku dhuumanayaan Safaarada Kuuriyada Waqooyi ku leedahay magaalada Kuala Lumpur.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *