Malaysia: Raysalwasarihii hore Najib oo lagu helay Kiiskii Musuq-Maasuqa 1MDB

Published: July 28, 2020

Maxkamada Federaalka dalka Malaysia ayaa saaka oo Salaasa ah ku dhawaaqday natiijada maxkamadeynta Raysalwasaarihii hore ee dalkaasi Najib Razak oo loo heystay 7 kiis oo la xariira musuq maasuq iyo boob-hanti-Qaran.

Garsooraha Maxkamada Mohamad Nazlan ayaa sheegay in dhamaan dacwadihii Xeer illaalinta kusoo oogtay Md.Najib ay wateen cadeynmo buuxa isla markaana maxkamada ay ku heshay danbiyada lagu soo eedeeyey hogaamiyahaasi.

Najib Razak ayaa la sheegay in uu qaatay intuu xilka hayey 10 milyan oo dollar oo laaluush ah, isla markaana lacago badan oo malaayiin ah kala baxay mashruuca loo yaqaan 1MDB, dacwadaha lagu soo oogay ayaa waxaa kamid ahaa Ku-takri-fal awooda xafiiskiisa iyo lunsasho lacago.

Dacwad walba oo lagu soo oogay Raysalwasaaraha hore ayaa wadata xukun 15 illaa 20 sano oo xabsi ah, balse waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah.

Qareenada u doodaya Najib Razak ayaa ku fashilay codsigoodii ahaa in dib loo dhigo xiliga lagu dhawaaqayo ciqaabta la marinayo hogaamiyahaas, wuxuuna Najib isagu sheegay inuu racfaan ka qaadan doono xukunkan.

Raysalwasaarihii hore Najib Raza ayaa xilka looga qaaday doorashadii taariikhiga ahayd ee dhacday 2018, hase yeeshee wuxuu weli ka tirsan yahay xisbiga ugu weyn wadanka Malaysia waana siyaasi weli saameyn kuleh dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *