Maleeshiyaad hubeysan oo dad isku qoys ah ku dilay Magaalada Dhoobleey

Published: June 2, 2022

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay laba qof oo Shacab ahaa ku dilay duleedka Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo dilka kadib Goobta isaga baxsaday.

Dilka oo salka ku haya arrimo la xiriira aanooyin qabiil ayaa labada qof ee loo geystay yihiin dad isku qoys ah kuwaas oo maleeshiyaadka hubeysan ay ugu tageen guryahooda.

Ciidamo katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlagallo ka sameeyey halka uu dilka ka dhacay balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dilka u geystay dadka Shacabka ahaa.

Ma jiro weli wax war ah oo Maamulka Jubbaland kaga hadleen dilalkaas, iyada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay degaannada Gobolkaas kusoo laab laabteen colaad Beeleedyada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *