Maleeshiyaad Jidgooyo u Dhigtay Gawaari Hub sida oo u Socday Puntand

Published: September 20, 2024

Labo baabuur oo nooca xamuulka qaada oo siday hub iyo saanad milateri ayaa waxaa jidgooyo u dhigtay maleeshiyaad Soomaaliyeed si ay dhacaan.

Baabuurta Hubka sida oo ka yimid dhinac Itoobiya waxaa galbinayay ciidamada Booliska dowladda degaanka Soomaalida ee liyuu Booliska waxayna ilaa shalay ku xanibnaayeen degmada Bookh, ciidamada ayaa iska difaacay weerarkii uga yimid dhinac maleeshiyaadka soo weeraray.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidamo ka socday dowladda Puntland ay gaareen xuduuda Itoobiya islamarkaana ay la soo wareegeen baabuurtii hubka siday. Baabuurta hubka sida oo gelbinayaan ciidamada Puntland ayaa hada si nabad ku timid gudaha Puntland.

Dowladda Itoobiya iyo maamulka Puntland oo hubku socday weli kama hadlin sidoo kale ilaa hada lama soo sheegin khasaare ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Bookh.

HORSEEDMEDIA