Maleeshiyaad ka tirsanaa ciidanka Ahlu-Sunna oo ku soo biiray ciidanka Dowladda Soomaaliya

Published: January 18, 2018

Mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay guuto ka tirsan Ciidamada Ahlu-Sunna ee gobolada dhexe, Ciidankaasi ayaa ka mid noqonaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya .

Xafladda ciidamada loogu wareejinayay Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Cabdiwali Jaamac Gorod waxa uuna sheegay in soo dhoweynayaan ciidamadan lagu wareejiyay dolwadda Soomaaliya, isla markaana loo bixin doono magac cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay farxad u tahay in ciidankan lagu wareejiyay dowladda Federaalka, isla markaana ah ciidan dalkooda, dadkooda iyo diintooda difaacay.

Waxaa uu ku ammaanay in ciidamadan ay ka difaaceen gobolada dhexe Al-Shabaab, isla markaana ay ku abaal marinayaan in ay ka mid noqdaan Ciidamada dowladda Federaalka ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyanah Soomaaliya.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ciidamada ku wareejiyaan dowladda Federaalka.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Ciidamadan ay yihiin kuwo ka dhowrsan waxyaabaha mukhaadaraadka, isagoo kula bogaadiyey in Al-Shabaab ka saaraan deegaanada gobolada dhexe.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *