MALI: Xoogaga gooni u goosadka oo la wareegay Saldhig ay ka baxeen Qaramada Midoobay

Published: November 1, 2023

Fallaagada gooni u goosadka ee waqooyiga Maali ayaa sheegay in ay la wareegeen xero ay Qaramada Midoobay ka guurtay oo ku taal magaalada istiraatiijiga ah ee Kidal.

Waxay qabsadeen xerada isla markiiba ka dib markii ay baneeyeen howlgalka nabad ilaalinta ee MINUSMA.

Isbahaysiga Tuwareg ee u badan kooxaha hubaysan ee dhawaan dib u bilaabay kacdoonka ka dhanka ah dawladda – ayaa bayaan uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in ay “hadda la wareegayaan goobihii ay MINUSMA ee deegaanka Kidal”.

Waxay ahayd xeradii saddexaad iyo tii ugu dambeysay oo ay howlgalku ka baxaan gobolka Kidal ee waqooyiga Mali.

Horseed Media